Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedSawirro:-Madaxweyne Koonfur Galbeed oo gaaray Diinsoor

Sawirro:-Madaxweyne Koonfur Galbeed oo gaaray Diinsoor

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu u gaarey degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka Caleema Saarka gadoomiyaha cusub ee degmadaasi dhowaan ay doorteen golaha deegaanka degmada Diinsoor.

Maamulka iyo Shacabka degmada ayaa  wafdiga madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Ammaanka magaalada Diinsoor ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments