Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlayay ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanka Ceel siliini waxa uu ka dalbaday in ay u diyaargaroobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in dhowr jeer Al-Shabaab ay weerareen saldhigga uu ka hadlayay, balse wixii xiligaan ka dambeeya loo baahan yahay in ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan Ceel siliini in ay dulaan ku qaadaan Al-Shabaab.
Waxa uu ciidamada ka dalbaday in ay isku dhiirageliyaan howlgalada ay sameynayaan, maadaama uu tilmaamay in ay heystaan agab iyo hub ku filan oo ay ku howlgali karaan sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda la joogo waqtigii ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyaan Gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo rajeeyay in ay ku dhaqaaqi doonana go’aankaas.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale oo katirsan Dowladda waxa ay kormeereen Fariisimaha ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Number 50, Bariire, Ceelsaniini, Degmada Afgooye Sabiid iyo Canoole oo kawada tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.