Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay dib u eegaan Ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo uu Turkiga siiyo tababaro iyo dhaqaale farabadan.
Qoraal uu sii dhigay Siyaasiga Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadaan loo adeegsaday qaab siyaasadeeed,isla markaana ay ka qeyb qaateen dagaalo ka dhacay,Baydhabo,Gedo iyo Dhuusamareeb.
“Ciidamada Haramcad & Gorgor waxaa tababaray oo maalgaliyey Dowladda Turkiga, waxaa loo isticmaalay 4 faa iido siyaasadeed oo sababay khilaaf gudaha ah, waxay qayb ka ahaayeen dagaalladii Dhuusamareeb, Badio & Gedo. Waxaan ugu baaqaynaa Turkiga inay dib u eegaan taageeradooda Ciidamadan ayuu yiri”C/raxmaan C/Shakuur.
Hadalka Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay aad loo hadal haayey Ciidamada Haramcad & Gorgor oo dowladda Somalia geysay Magaalada Dhuusamareeb & degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo kana qeyb qaateen dagaalo ka dhacay.