Waxaa magaalada Garowe gaaray Sheikh Shaakir Cali Xasan madaxii hore ee Xukuumada Galmudug oo xalay xili dambe ka soo baxay Magaalada dhuusamareeb isla markaana saaka aroortii gaari ka soo qaaday Gaalkacyo.
Sheikh Shaakir Cali Xasan waxaa safarkiisa Garowe ku weheliyey Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cabdisamad Macalin maxamud iyo xildhibaan ka tirsan barlaamanka Galmudug.
Wadaada Ahlu-suna oo looga awood Roonaaday siyaasada galmudug ayaa u muqda in ay gabaad siyaasadeed ka dhiganayaan Puntland oo uu horay u sii joogay Hogaamiyaha Ahlu-suna Macalin Maxamud.