Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedPuntland oo hakisay doomaha Kaluumeysiga maxay tahay sababta?

Puntland oo hakisay doomaha Kaluumeysiga maxay tahay sababta?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha caafimaadka iyo cabsida xooggan ee laga qabo Coronavirus oo dalal badan oo caalamka ah gaaray iyo qaabkii loo xakameyn lahaa dadka safarka ku gala deegaanada Maamulkaas.

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan ol-olaha kahor tagga iyo la socodka dadka daga deegaanada Maamulkaas, waxaana ugu dambeyn Golaha Wasiirada ay isku raaceen in la hakiyo doomaha taga magaalo xeebeedyada Puntland marka laga reebo Boosaaso muddo bil ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Dowlad Goboleedka Puntland Cali Xasan Axmed Sabareey ayaa Warbaahinta u sheegay in go’aankaas sababta loo qaatay ay tahay sidii looga hortagi lahaa Coronavirus.

 

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments