Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in ay wasaaradiisu joojisay bixinta ruqsadda dadka ka ganacsatada Kalluunka, sabab la xiriirta in ay qorsheynayaan soo saarista sharciga wax looga qabanayo Xaalufinta kheyraadka badda.
Wasiir Siciid waxa uu intaa raaciyay in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay la socodka kheyraadka ku jira badda oo kolkii hore ruqsad u siin jireen Kalluumeysatada ay la gasho heshiiska sida uu hadalka u dhigay.
Afar markab oo ay horay usiiyeen ogolaanshiyo ay ku kalluumeysan karaan waxa uu sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan heshiiskaas, inkasta oo uusan sheegin sababta ka dambeysa go’aankaan.
“Waxaa aan go’aansaney Kheyraadka ku jira Badda kuwa iibka galaya iyo sida loo ilaashan karo in aanan cid dambe heshiis la gelin, Shuruucda lagu xakameynayo Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waa qabyo, dib ayaan u egeynaa heshiisyada lala galay Kenya, Eritrea, Jabuuti” ayuu yiri Wasiirka.
Somaliland waxa ay horay ruqsad usiisay shirkado kalluumeysato oo wata doomo dheeraaya isla markaana casri ah, waxaana muran ka keenay ganacsatada Maamulkaas oo sheegay in aysan la jilaaban Karin, maadaama ay heystaan shabaak iyo qalab casri ah.