WARAR

Afrika oo soo saareyso qalab si deg deg ah lagu ogaan karo Corona

Waxaa dalka Senegal lagu sameynayaa qalab si deg deg ah loogu ogaan karo cudurka Corona isla markaana loo adeegsan doono baaritaanada.

Wuxuuna cudurka soo saaraya muddo 10 daqiiqo gudahood ama in kale.

Qalabka haatan lagu sameynayo sheybaar ku yaal Dakar ayaa waxaa lagu wadaa inuu diyaar noqdo bisha June.

Waxaa mashruucan iska kaashaday shirkad laga leeyahay Ingiriiska iyo macadka Pasteur de Dakar ee Senegal.

Ku dhawaad 2 malyan oo qalabka ah ayaa sannadka kasta lasoo saari doonaa waxaan la gaarsiin doonaa guud ahaan qaaradda, sida lagu sheegay Website ay leeyihiin kooxda waddo mashruuca.

Arbacadii, Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ku dhawaaqday in feyraaska Corona uu yahay saf mar.

Cudurka Corona wuxuu ku baahay ilaa 114 waddan, wuxuu ku dhacay 118,000 qof halka ay u dhinteen in ka badan 4,200 qof.

Related Posts

%d bloggers like this: