Meydka gabadhaas yar ayaa waxaa lagu arkay deegaanka Bohol oo dhaca waqooyiga magaalada Dhuusamreeb ee gobolka Galgaduud.
Dadka deegaanka oo tagay goobta lagu arkay meydka gabadha ayaa sheegay in jirka gabdha uu ka muuqday jirdil xoog leh, oo la aaminsanyahay in uu sababay geerideeda.
Ciidamada booliska ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray deegaanka Bohol oo falkani uu ka djacay, waxayna halkaas ka soo qaadeen meydka gabadhaas yar oo hadda la keenay magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale ciidamada ayaa falkaas u soo qabtay laba xubnood oo ay ku jirto hooyadii dhashay gabadha geeriyootay.
Saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysay howlgalka lagu soo qabtay dadkaas ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan labadaas ruux oo lala xariirinayo ku lug lahaanshaha dilka gabadhaas yar.
Ninka lala soo qabtay gabadha dhimatay hooyadeed ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa seygeeda, maadaama ay hooyada kala tageen gabadha la dilay aabeheed.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in hooyadii dhashay gabadhaas iyo seygeeda ay ku xiranyihii saldhigga dhexe ee magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay haatan baaritaano ku socdaan.