Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedNatiijada baaritaanka Caafimaad ee Madaxweynaha Mareykanka oo la shaaciyay

Natiijada baaritaanka Caafimaad ee Madaxweynaha Mareykanka oo la shaaciyay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga waayay cudurka Coronavirus ka dib markii laga baaray cudurkaasi, sida uu sheegay dhakhtarkiisa ka hawlgala madaxtooyada Mareykanka.

“Galabta waxaa isoo gaaray war xaqiijinaya in cudurkaasi laga waayay madaxweynaha,” ayuu xalay warbixin qoraal ah ku yiri Sean Conley.

Madaxweyne Trump ayaa cudurkaasi laga baaray ka dib markii xubno ka tirsanaa wafuud ka socotay dalka Brazil oo dhammaadkii usbuucii hore uu Flodrida kula kulmay laga helay cudurkaasi.

Fabio Wajngarten oo ka mid ah gacanyareyaasha madaxweynaha dalka Brazil ayaa ka mid ah dadka laga helay cudurkaasi.

“Usbuuc ka dib markii madaxweynuhu uu la casheeyay wafuud ka socotay dalka Brazil ayaa haatan waxaa caddaatay in uusan qabin cudurkaasi,” ayuu yiri Conley.

Madaxweyne Trump oo da’diisu tahay 73 sano jir ayaanan is-karantiilin shirkaasi ka dib, waxa uuna ku doodayay in uusan qabin astaamaha cudurkaasi.

Balse ka dib markii su’aalo badan lagu weydiiyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa Trump waxa uu sheegay in uu cudurkaasi iska soo baarayo.

Trump

Dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad, Sean Conley, ayaa sheegay in Jimcihii baaritaan lagu sameeyay madaxweynaha, natiijadii baaritaankaasina la helay shalay oo Sabti ahayd, taa oo muujisay in madaxweynuhu uusan qabin cudurkaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa shacabkeeda kula talisay in qofkii la kulmay ama taabtay qof la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus ay tahay in 14 maalmood uu is-karantiilo.

Ilaa haatan in kabadan 2,700 oo qof ayaa la xaqiijiyay in dalkasi uu ku soo ritay cudurkani, halka 54 qof ay u dhinteen.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxa uuna la dagaalanka cudurkani u qoondeeyay 50 bilyan oo doollar.

Kulankii Mar-a-Lago

Trump

Wajngarten oo dhanka warbaahinta u qaabilsan madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa soo bandhigay sawir uu la galay madaxweyne Trump. Balse maalmo yar ka dib kulankaasi ayaa Wajngarten waxaa laga helay cudurka Coronavirus.

Xubno kale oo ka tirsan wafuuddii reer Barazil ee la socotay madaxweyne Bolsonaro oo Trump kula kulmay Mar-a-Lago ayaa iyagana laga helay cudurkaasi, waxaana ka mid ah Karina Kufa oo ah garyaqaan, Nelsinho Trad oo ah xildhibaan iyo Nestor Forster oo ah safiirka Brazil u fadhiya Mareykanka.

Duqa magaalada Miami, Francis Suarez, oo isna la kulmay Wajngarten ayaa Jimcihii la shaaciyay in laga helay cudurkaasi Coronavirus.

Xubnaha wafdigaasi ka socday Brazil ayaa waxa ay sidoo kale la kulmeen gabadha uu dhalay Trump ee Ivanka Trump, seygeeda Jared Kushner iyo Rudy Giuliani oo ah gacanyarahiisa khaaska ahi.

Mas’uuliyiinta kale ee laga helay ama looga shakiyay cudurkani

Horraantii usbuucan ayaa ra’iisalwasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, waxa uu shaaciyay in uu is-karantiilayo muddo 14 maalmood ah ka dib markii xaaskiisa Sophie Grégoire Trudeau laga helay cudurkani aafeeyay dunida.

Xaaska ra’iisalwasaaraha dalka Spian, Begoña Gómez ayaa iyana la xaqiijiyay in cudurkaasi uu ku dhacay, arrintaa oo sababtay in ra’iisalwasaare Pedro Sánchez uu iskii isu karantiilo.

Dalka UK, wasiirka caafimaadka dalkaasi, Nadine Dorries, ayaa cudurkaasi laga helay, waxayna sheegtay in ay is-karantiileyso.

Bishii la soo dhaafay ayaa ku xigeenka wasiirka caafimaadka dalka Iiraan, Iraj Harirchi, waxaa laga helay cudurkaasi Coronavirus.

Iiraan waxay ka mid tahay waddamada uu faraha ba’an ku hayo cudurkani, waxaana ilaa haatan u dhimatay in kabadan 600 oo qof.

BBC.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments