Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedShil Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Galgaduud.

Shil Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii uu rogmaday gaari nuuca xamuulka qaada ah.

Shilkaas ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Cadaado iyo Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale khasaare hantiyeed ayaa ka dhashay shilkaas waxuuna burbur baahsan soo gaaray gaarigii rogmaday iyo agabkii uu wedey oo sida la sheegay u rarnaa dad ganacsato ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaas, waxaana goobta gaaray oo dadkaas gurmad u fidiyey ciidamada ammaanka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments