WARAR

Wararkii ugu danbeeyay Cudurka Corono-Virus iyo dalal horleh oo kiisas laga helay

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay dalkaasi.

Wasiirka caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye ayaa BBC-da u xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka gaaray 14-kii bishan.

Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dhanka kale dowlada Kenya ayaa xaqiijisay saddex oo qof kale oo uu ku dhacay cudurka Corona, waxay guud ahaan tirada kiisaska la xaqiijisay ee dalkaas ka dhigeysaa 7.

Wasiirka caafimaadka ee Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dhammaan dadkan uu ku dhacay cudurka ay ka yimaadeen dibadda.

Kiisaskan ugu dambeeyay ayaa kala ah lamaane kasoo safray caasimadda Spain, waxayna soo mareen Dubai 5-tii bishan, halka qofka saddexaad uu u dhashay Burundi isla markaana uu dalka yimid 17-kii bishan.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in dadka la kulmay saddexdan qof la karantiilayo.

Related Posts

%d bloggers like this: