Guddiga soo xulidda baarlamaan goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xildhibaannada baarlamaanka labaad kuwaasoo ay tiradoodu tahay 95 xubnood.
Tirada xildhibaannada baarlamaanka koobaad ayaa ahayd 149 xubnood, waxaana la dhimay kadib markii isbedal lagu sameeyay dastuurka maamulkaasi.
Xildhibaannada cusub ayaa waxaa kamid ah 14 dumar ah.
Muddo xileedka baarlamaankii hore ayaa ku ekayd dabayaaqadii Disembar 2019.