Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedWasiirka Ganacsiga oo Ka Hadlay Saameynta Coronavirus ee Ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga oo Ka Hadlay Saameynta Coronavirus ee Ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta ka hadlay saameynta uu xanuunka Coronavirus(COVID-19) ku yeeshay Ganacsiga Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in cudurkaasi aanu illaa hadda saameyn xoog ah ku yeelanin Ganacsiga wadanka balse ay jiraan waxyaabo yar yar oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha oo qiimahoodu sare u kacay.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, oo maanta shir-jaraa’id qabtay, ayaa sidoo kale na sheegay in illaa hadda wax wer-wer ah aan laga qabin badeecadaha dalka isaga oo carabka ku dhuftay in hada na ay ka Wasaarad ahaan dareensan yihiin saameynta dhaqaale ee uu yeelan karo xanuunkani isla mar ahaantaana ay qorsheynayaan siddii loogga hor-tagi lahaa dhibbaatada uu ku yeelan karo Ganacsiga wadanka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, wuxu Ganacsatada xasuusiyey in waajib ka saran yahay daryeelka bulshada isla mar ahaantaana loogga baahan yahay inay u naxariistaan shacabka sidoo kale na ay u fududeeyaan waxyaabaha laga ga hor-tagaayo cudurka COVID-19. Waxa kale oo uu Ganacsatada ku dhiiri-geliyey inay doorkooda oo ay dawladda ku taageeraan siddii loogga hor-tagi lahaa.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments