Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalka Mareykanka looga aqoonsaday daawada loo isticmaalo la dagaallanka duumada ama maleeriyada, lagu daweyn karo Coronavirus.Chloroquine waa mid ka mid ah daawooyinka qaddiimiga ah ee ugu wanaagsan ee lagu daweeyo duumada.Sidaas darteed, madaxweynuhu maku saxan yahay maxaase laga ogyahay waxtarkeeda?
Chloroquine ayaa qarniyo la isticmaalayay. Balse Afrika aad loogama isticmaalo sababo la xiriira inay adkeysi u yeelatay duumada.Dalalka qaar ayaa soo saaray shuruuc lagu joojinayo isticmaalka daawada, balse weli aad ayaa loo isticmaalaa.
Arrintan waxay aad uga jirtaa Nigeria oo la soo sheegay in chloroquine aad looga dalbado farmashiyeyaasha, taas oo sababtay inay gabaabsi noqoto, waxaana arrintan ay ka dambeysay hadalkii Mr Trump.

Chloroquine lama caddeynin inay daawo u tahay coronavirus
Madaxweyne Trump, ayaa shirarka jaraa`id ee uu qabto ka sheegay in Waaxda Cuntada iyo Daawooyinka ee Mareykanka (FDA) ay caddeysay in chloroquine ay daweyso coronavirus.
“Waxaan awoodi doonnaa in si degdeg ah daawadaas lagu helo. Waana tan ay ku wanaagsan tahay FDA. Hannaanka caddeynta ayay mareen – waa la xaqiijiyay.”
Si kastaba, FDA ayaa sheegtay inaan weli la xaqiijin in lagu daweyn karo dadka qaba Covid-19.Waxayse FDA sheegtay inay weli socoto baaritaan ku aaddan haddii ay dawadan wax ka tareyso Covid-19. Waxay sidoo kale intaas ku dartay in Mr Trump uu amray in baaritaan lagu sameeyo daawadan.
Maxay arrintan ka tiri dunida kale?

La yaab malaha in chloroquine ay qeyb ka ahayd baaritaanka la xiriira sidii lagu caawin lahaa bukaannada coronavirus.Waa dawo aad loo yaqaanno, waa raqiis soo saariddeeduna fududdahay. Marka lagu daweynayo bukaannada duumada, waxaa dawada loo adeegsadaa yareynta xumadda.Balse weli ma jirto xaqiijin ku saabsan sida ay dawadan wax uga tareyso bukaannada fayraska Corona qaba, inkastoo baaritaan uu ka socdo Shiinaha, Mareykanka iyo Spain.Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku uu weli socdo, balse aan loo heyn wax caddeyn ah.Baraha internet-ka ayaa loo aad looga raadiyay magaca Chloroquine toddobaadkii la soo dhaafay, sida ay muujisay xogta Google.Dawada oo aad looga iibsanayo Nigeria
Warka coronavirus ayaa aa dlooga hadal hayaa Nigeria, sida kaniisadaha, masaajiddada iyo iskuullada.Dad badan oo Nigeria u dhashay ayaa weli iska daweynta duumada u isticmaala kaniiniyo ay ku jirto chloroquine inkastoo la mamnuucay sanadkii 2005.Waxaa la sheegay inay dadku qaadanayaan go`aan aysan ka fiirsan. Magaalada Lagos ee dalka Nigeria waxaa laga soo sheegay dad ku sumoobay qaadashada dawada chloroquine oo ay iska badiyeen.