Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynaha puntland matagi doonaa Muqdisho?

Madaxweynaha puntland matagi doonaa Muqdisho?

Golaha wasiiradda Puntland ayaa beeniyay in safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo magaalada Muqdisho uu yahay mid uu wada hadal kulasoo galayo dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay golaha wasiiraddu kula hadlayeen saxaafada, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu Muqdisho ku tagayo safar uu ugu gogol xaarayo gogol dib u heshiineed oo ay dhigtay Puntland oo lagu dhameynayo khilaafka guud ee Soomaaliya.

Wasiirka, wuxuu sidoo kale iska fogeeyeen eedeymo ay usoo jeediyeen masuuliyiinta dowladda federalka ee ka qeyb galay shirka wadatshiga, kuwaas oo tilmaamay in warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Garowe loogu gafay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qaarkood.

Waxa uu ku dhaliilay Dowladda Faderaalka Soomaaliya in ciidankii Amaanka ay u deegsanayso bur burinta Dowlad Goboleedyada dalka isaga oo tusaale u soo qaatay deegaanada Maamulka Jubaland ee Koofurta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii wadashatiga in uu  ahaa war murtiyeed ay ku midaysnaayeen 1,800 ergo oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee Puntland.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments