Dableey hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo xalay xilli danbe ku dilay magaalada Gaalkacyo 2 ruux halka 2kale ay dhaawaceen iyagoona ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen.
Marxuum Mukhtaar Cumar Tinlle oo kamid ahaa golaha deegaanka degmada Gaalkacyo sidoo kalena ahaa Ganacsade iyo ruux kale ayay dableyda kudileen goob maqaaxi ah oo lagu caweeyo.
Ilaa hada majiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka degmada Gaalkacyo iyadoona ay mudo dhowr jeer ah magaalada ka dheceen dilalka noocaan ah ayna jirin cid loo sooqabtay.