Dad ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay Mustaqbal u sheegen in qaraxa uu ahaa Ruux isku soo xirey wayaabaha qaraxa uu galay Maqaayad ku dhow Baar Bulsho,halkaas oo ay inta badan fariistaan dad u badan Ciidanka Dowladda,isla markaana uu isku qarxiyey.
Qara ayaa la sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo isugu Askar iyo dad Shacab ah,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dadka dhintey ay ku jirto Haweeney laheyd Maqaayadda.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta qaraxu ka dhacay gaaray waxa ayna xireen wadooyinka Soo gala iya oo halkaasi ka qaaday Dhaawacyada iyo Meydka ismiidaamiyihii is qarxiyay.
Gawaarida gurmadkadeg dega ayaa goobta gaaray waxa ayna soo qaadeen dhawacyada ka dhashay qaraxaase.
Maqaayadda qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ay aheyd mid dadka ay ka cunteeyaan,iyada oo sidoo kale ay laheyd goob ay dadka ku wada sheekeystaan,waxaana weli si rasmi ah loo cadeyn karin khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel u dhow Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.