Wasiirka wasaarada Caafimaadka dowlada Soomaliya Fowsiyo Abiikar oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in wasaaradu ay karantiishay muwaadin Soomaliyeed oo soogaaray magaalada Muqdisho kadib markii jirkiisa laga helay Caabuqa Corono-virus.
Wasiirada ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee muwaadiniinta uu ku dhacay cudurka isla markaasna kusugan gudaha dalka ay yihiin 2rag ah oo kayimid dalka dibadiisa haatana ay karantiil kujiraan.
Ugu danbeyn Wasiirada ayaa shacabla Soomaliyeed ka codsatay inay joojiyaan salaanta gacmaha laisku salaamayo iyo in laisugu yimaado goobaha ciriiriga ah.