War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii socon doonta Xayiraadda duulimaadyada dibadda ah ilaa mar dambe sida ku cad qoraalka oo cad qoraalka soo gaaray Muqtaqbal Radio.
Xariyaada duulimaadyadda Gudaha ayaa bilaaban doonta maalinta berri ah oo beegan 29 maarso 2020.
Waxaa sidoo kale lagu amray Shaqaallaha diyaaraddaha in ay qaataan amarka dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana dhammaan ay joojiyaan duulimaadyadda Gudaha.Go’aankaan ayaa wasaaradu ku sheegtay dadaaladda looga hortagayo Xanuunka dilaaga ah ee Covid-19 oo ay wadaan dhamaan Dowladaha Caalamka.
Dowladda Soomaaliya sidaan oo kale horay u joojisay duulimaadyada Caalimaga ah,Kulamada dadweynaha sida Ciyaaraha, Waxbarashada iyo Shirarka dowladda ee aan lagama maarmaanka ahayn.