Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedGudoomiyihii gobolka Nugaal oo ugeeriyooday dhaawac soogaaray.

Gudoomiyihii gobolka Nugaal oo ugeeriyooday dhaawac soogaaray.

Waxaa  magaalada Garowe ku geeriyooday gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), kadib dhaawac xooggan oo ka soo gaaray qarax sida la sheegay uu fuliyay qof ismiidaamiyay oo xalay fiidkii ka dhaca magaalada Garowe.

Geerida marxuumka ayaa waxaa  xaqiijiyay duqa magaalada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed-Bare).

Waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay laba qof oo uu kamid yahay taliyihii hore ee booliska qeybta gobolka Nugaal, Faarax Gallangooli, kuwaas oo ay dhaawacyadoodu sahlan yihiin.

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay  Al-Shabab sida ay tebiyeen warbaahinta taabacsan ururkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uusan wax ilaalo ah ku dhex wadan jirin magaalada Garowe,Qaraxa ayaa lagula beegsaday meel u dhaw taliska booliska Puntland, gaar ahaan agga loo yaqaan barxadda Garoowe.

Madaxdax dowlada Soomaliya Iyo masuuliyiin kale ayaa ka tacsiyeeyay Geerida gudoomiyaha gobolka Banaadir.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments