Madaxweynaha Soomaliya oo tacsi ka diray geeridii Gudoomiyahii Gobolka Nugaal.

Madaxtooyada JFS waxa ay ka tacsiyeynaysaa geerida xanuunka leh ee Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii bahalnimada ahaa ee caawa ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas arxan darrada ahaa.

Facebook Comments