WARAR

Sidee loo aasayaa qofkii udhinta Covid-19?

Tan iyo intii aafada Coronavirus ku habsatay dunida ee dadka tirada badan ugu dhinteen cudurkan, dunida daafaheeda, waxa fududaatay hadal haynta arrin ay dadku, si kasta oo ay u kala diin iyo dhaqan duwanyihiin ba, ka gaabsan jireen oo aanay jeclayn soo hadal qaadkeeda.

Waa geerida iyo aaska dadka dhinta oo aadamuhu ka simanyihiin cabsida ay ka qabaan, soo hadal qaadkoodana ay u yaqaanaan saad baas.

Way ka fursan weyday oo waxa qasab noqotay in qoomiyad kastaa ka fikirto oo ka dooddo sida ugu haboon ee qofkii u dhinta fayraska halista ah ee Covid-19, aaskiisa loo waafajin karo diinta bulshadaasi haysato iyo hab dhaqankeeda tacsida loo dhigo iyo baroor diiq wadareedka dhaqamada qaarkood u gaarka ah.

In kasta oo ummad walba dhaqan u gaara ah oo aaska la xiriira ay leeyihiin, ayaa haddana waxaa xaqiiqo ah in ay intii isku diin ahba ay jiraan wax badan oo ay wadaagaan oo diintoodu dhigaysa.

Muslimiinta ayaana ka mid ah dadka kala isirka iyo afkaba ah ee haddana iimaanku mideeyo. Waxaa jiro axkaam ay shareecada Islaamku dhigtay oo ay waajib tahay in qofka Muslimka ah aaskiisa la waafajiyo diinta islaamka.

Waa hab ay diintu ku xurmayso aadanaha oo la faray Muslimiinta in qofka ka dhinta waajib ka saaranyahay oo ay tahay in ay u sagootiyaan sida ay shareecadu dhigtay.

Nin khamiis xiran iyo xaaskiisa oo si wanaagsan u xijaaban

Uma baahna faahfaahin dheeeraad ah oo akhriste qudhaaduba waad fahmeysaa, waxaynu ka hadlaynaa waxa uu yahay ee ah maydhid, kafan iyo salaadda jinaasada ah ee waajibka ah.

Su’aashuse waxay tahay, qofka Muslim ka ah ee u dhinta cudurkan Covid-19, sidee ugu haboon ee loo aasi karaa? Haddii aanay suurto gali karin sidii shareecadu jidaysay maxaa laga yeelayaa?

Su’aalahan waa kuwo ay Muslimiinta dunida oo dhami maalmahan ba is weydiinayeen. Weliba, in laga jaahil saaro waxaa aad ugu hanqal taagayey Muslimiinta ku dhaqan dalalka ay ku yaryihiin ee aqlabiyaddoodu tahay dadka diimaha kale haysta, sida wadamada reer Galbeedka oo kale.

Jawaabaha ay ka bixiyeen culimada diinta ee Muslimiintu ayaa gabigooduba isku mid ah oo aan waxba ku kala duwayn.

Al-Azhar Al-Shareef oo ah xarrun weyn oo Muslimiintu aad u tix geliyaan kana mid ah xarumaha diinta Islaamka ee ugu faca weyn ayaa Fatwo ay soo saartay ku faahfaahisay sida ugu haboon ee ay tahay in loo aaso qofka u dhinta cudurkan halista ah ee fayraska Covid-19.

“Asalku waxa weeyi in qofka Muslimka ah ee dhinta la maydho maydkiisa, kafan lagu xidho oo lagu tukado salaadda jinaasada, haddii se qofku u dhinto cudur faafa oo la kala qaado oo ay khubarada caafimaadku xaqiijiyaan in maydkaa maydhiddiisa laga qaadi karo cudurka uu u dhintay, marka waajibkaasi meesha wuu ka baxayaa oo sida ay khubarada caafimaadku ku taliyeen ayaa la raacayaan oo kafankii iyo maydhiddiiba waajib noqon maayaan,” Ayey tidhi Fatwadu.

Jawaabtan oo kale waxa isna bixiyey oo ka hadlay sida loo assayo qofka u dhinta cudurkan halista ah, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada Soomaalida.

Inta badan caalamka waxaa la xiray masaajidda - Waxaa sidoo kale la xiray Kacbada iyo Masjidka Nabiga (SCW)

Wuxuu sheekhu sheegay in waajibaadkaa ay shareecadu jidaysay ee ah maydhidda, kafan ku xiridda iyo salaadda jinaasadu “ay meesha ka baxayaan oo ay diintu ruqsadaa bixinayso” haddii Muslimiinta nool ee aasi lahayd qofkaa dhintay ay naftoodu halis ku galayso arimahaas, sida ay xaqiijiyeen khubarada caafimaadku ee ah in xataa maydka laga qaadi karo cudurkan Covid-19 haddii dadku taabtaan.

Sheekhu wuxuu aad u faahfaahiyey arrintan, isagoo dadka u sharaxay hadba sida ay diintu u eegto maslaxada dadka nool ee Muslimiinta ah.

“Sababtu waxaa weeyi in badan oo axkaamta shareecada iyo waajibaadka iyo faraa’idda diinta ka mid ah, waxay u dhacaan oo ay meesha uga baxaan markii uu ka dhalanayo samayntooda darar iyo dhib ka weyn,” ayuu yidhi sheekh Umal.

Related Posts

%d bloggers like this: