Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedXiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Kismaayo.

Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Kismaayo.

Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen miliishiyo beeleedyo hubeysan oo deegaanka wada dagan.

Odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu aaso maydadka dhawr iyo toban qof oo ku dhintay dagaaladii shalay ka dhacay aaggaasi kuwaas oo yaalla halkii dirirtu ka dhacday sida uu BBC-da u sheegay mid kamid ah culimada magaalada ee wadahadallada ku lugta leh.

Inkasta oo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu aaso maydadka dadkii ku dhintay dagaaladii shalay ayaa haddana waxa dhinaca kale socda is urursi ay sameynayaan kooxaha dagaalka ku lugta leh.

Dagaallada u dhexeeya miliishiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments