Amiirka Dowladda Qater Sheekh Tamiim Bin Xamd Al-thaani ayaa Dhambaal Tacsi ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaah Farmaajo, oo uu uga tacsideeyey Geeridii ku timid AUN Ra’isul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen oo shalay ku geeriyooday dalka Ingiriiska
Sida lagu daabacay Wakaalladda Wararka dalkaasi ee QNA, waxa uu Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ka baryey Allah in uu u naxariisto Marxuumka, isla markaana uu samair iyo iimaan ka siiyo Qoyskii uu ka baxay iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Ku-xigeenka Amiirka dalka Qatar, Sheekh Cabdullaahi Bin Xamad Al-thaani iyo Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheekh Khaalid Bin C/Casiis Al-thaani waxay iyagana Dhambaal Tacsi ah u soo direen Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay uga tacsideeyeen Geeridii ku timid Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka, Nuur Cadde.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuunka ayaa sheegay in sadex maalin calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo si loogu borood diiqo Ra’iisul wasaarihii hore dalka oo uu sheegay in uu kaalin weyn ka qaatay dowladnimada Dalka.
Madaxda Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa Dowlad-goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray waxa uuna xanuunka Covid-19 shalay ugu geeriyooday Magaaladda London ee Caasimada Ingiriiska.