Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedMuran cusub oo hareeyey doorashada Soomaaliya

Muran cusub oo hareeyey doorashada Soomaaliya

Dood xooggan ayaa maalmihii dhowaa ka taagneyd habka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada iyo guddiyada doorasho ee la magacaabay.

Siyaasiyiinta Soomaalida qaar ayaa u arkaya hanaanka ay dowlada dhexe u maamuleyso doorashooyinka soo socda iyo guud ahaan siyaasada xiligan in ay tahay mid caqabad ku keeni karta hanaanka doorashada iyo amniga dalka.

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku eedeeyey dowlada dhexe in ay gacan togaaleyneyso maamulada qaar.

Dhinaca kalena, xildhibaan Cabbdixakiim Macallin Axmed ayaa tilmaamey in dowladu dhabihii saxda aheyd ku wado howlaha doorashada, islamarkaana ay iyadu tahay cidda awoodda u leh magacaabista gudiyada doorashada ayna ku saleysey nidaam lagu heshiiyey oo baarlamankuna ansixiyey.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments