Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedQoor-qoor oo la kulmay C/kariin Xuseen Guuleed

Qoor-qoor oo la kulmay C/kariin Xuseen Guuleed

Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa Hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, kana mid ah musharrixiinta madaxtinimada Soomaaliya.
Is xog-warraysi kaddib waxay kulankooda diiradda ku saareen Xaaladda guud ee Dalka iyo Deegaanka iyagoona si gaar ah u qaadaa dhigay ajendaha doorashada.
C/kariin Guuleed ayaa madaxweyne Kaariye ku ammaanay ka miro dhalinta arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Dowlad dhiska iyo doorkii waxtarka lahaa oo ay Galmudug ka qaatay heshiiskii doorashada lagu go’aamiyey ee la gaaray beshii Agoosto.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments