Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedWaa sidee dagaaladii ka socday Dalka Itoobiya?

Waa sidee dagaaladii ka socday Dalka Itoobiya?

Itoobiya waxey ku jirtaa xaalad dagaal oo culus, gantaallo ayaa lagu garaacay caasimadda gobolka amxaarada ee Bahirdar sida ay warbaahinta gobolkaas shaaca ka qaadeen.

Waxey noqoneysaa markii labaad oo gantaallo lagu garaaco Bahirdar tan iyo markii ay aad u xoogeysteen dagaallada ka socda gobolka Tigraay.

Warbaahinta waxey sidoo kale warisay in gantaalladii lagu tuuray Bahirdar aysan wax khasaare ah geysan, waxaana la leeyahay waxaa soo tuuray dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Dagaalka wuu xoogeystay, eedo ayaa hawada la isku marinayaa, inkastoo ay dowladda mar dambe beenisay hadana TPLF waxey ka dhawaajiyeen iney ciidamada dowlada Itoobiya ay gobolka Tigraay ku beegsanayaan dadka rayidka ah.

Dagaallada ka socda Itoobiya ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay iyadoo cambaareyn dusha looga tuuray dowladda Itoobiya iyo TPLF, balse xukuumadda Abiy Ahmed waxey ku adkeysaneysaa iney gacan adag ku qaban doonto waxa ay ugu yeereen dagaal oogayaal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments