Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedYaa ka qaybgalay Shirka wada-tashiga Musharixiinta Madaxweynaha 20/21 ee maanta ka furmay...

Yaa ka qaybgalay Shirka wada-tashiga Musharixiinta Madaxweynaha 20/21 ee maanta ka furmay Muqdisho?

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shir Saddex cishe soconaya oo u dhaxeeya Madaxda Xisbiyada mucaaradka oo badi ah musharixiin ku hamineysa ka qaybgalka Doorashada Soomaaliya 20/21.

Image may contain: one or more people, people sitting, shoes, living room, table, basketball court and indoor

Shirka waxaa ka qaybgalaya Mas’uuliyiin kala duwan oo qaarkood xilal heer federaal & heer Dowlad Goboleed soo qabtay si ay u tashtaan muranka ay ka qabaan xubnaha Guddiga doorashada 20/21, qaabka ay u wajahaan madaxda talada heysa & muujinta miisaankooda siyaasadeed.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Shaqsiyaadka madasha ku sugan waxaa kamid ah:

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka, Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS & Madaxweynaha DG Koofur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga gudaha & Madaxweynaha Galmudug, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Wasiirka Qorsheynta Dowladdii KMG ahayd ee Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble & mas’uuliyiin kale.

Image may contain: 2 people, suit and indoor

Kulamada xooggooda waxa ay diiradda ku saarayaan doorashada Soomaaliya 20/21 oo bilaabaneysa bisha December 2020 sida ku xusan qorshaha jadwalka madaxda heer federaal & heer Dowlad Goboleed.

Image may contain: 2 people, people sitting, suit, wedding, table and indoor

Gunaanadka Shirka Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21 waxaa lagu wadaa in ay soosaaraan warmurtiyeed ku saabsan waxyaabaha ay isla meel dhigaan saddexda Cishe uu shirkooda socda.

Haddaba, Shirka Wada tashiga Musharxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21, muxuu kusoo kordhin karaa Xaaladda siyaasadda Dalka?

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments