Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedRW Rooble oo Wasiirada DG Koofur Galbeed & Odoyaasha ka codsaday la...

RW Rooble oo Wasiirada DG Koofur Galbeed & Odoyaasha ka codsaday la shaqeynta Guddiga Doorashada 20/21.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo la qaatay Wasiirada maamulkaas, mas’uuliyiin kala duwan & Odoyaasha dhaqanka Koofur Galbeed.

Image may contain: 1 person, sitting

Rooble ayaa xubnaha uu la kulmay kala hadlay doorka ay ka qaadan karaan doorashada Soomaaliya 20/21, maadaama Odoyaasha ay soo dooranayaan Ergada dooraneysa Xildhibannada Golaha Shacabka BFS.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirada Koofur Galbeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Guddiga Doorashada, isla markaana ay u fududeeyaan waxyaabaha ay u baahdaan si aysan hakad u gelin howlaha Doorasho 20/21.

Image may contain: 2 people, people sitting

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo goobjoog ka ahaa fadhiga Wasiiradiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee uu ku taageero dalbaday.

Image may contain: 6 people, people standing and suit

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo sii wadaya kulamada xooggooda uu diiradda ku saaraya Doorashada Dalka 20/21.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments