Beesha iskaashato oo ka mid ah beelaha ugu waa weyn Banaadiriga ayaa ka hortimid Guddiga cusub ee doorashooyinka ayagoo ku tilmaayay wax xaqa ka fog sida wax loo qeybiyay, Kulan ay iskugu yimaadeen waxgaradka aqoon yahanka Culumada iyo waliba dhalinyarada beesha Iskaashato ayaa looga hor yimid Guddiga ay dhawaan Shaacisay Xukumadda R/wasaare Rooble.
Beesha iskaashato ayaa ku tilmaamtay qeybinta Qabaa’ilada Banaadiriga loogu qeybiyay mid ka fog xaqa ahna mid lagu tagrifalay beelaha Daggan Gobalka Banaadir ee Banaadiriga, Waxeeyna baaq u direen Madaxweynaha J F S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waliba R/wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble in ay gudigaa dib ugu laabtaan kuna qeybiyaan si cadaalad ah.
beesha ayaa sheegtay beelaha Banaadiriga in ay ka kooban yihiin 5ta Shingaani 4ta Xamar iyo Culumadooda oo dhamaan isku noqonaayo 10 beelood wada daga Qeyb ka mid ah Gobalka Banaadir, qaabka loo qeybiyay ayaa beelaha qaar la siiyay 3 xubnood qaarna 2 kuwa kalane la qadiyay waana wax cadaaladda ka fog ugu danbeyn beesha ayaa dowladda ka codsatay in dib loogu laabto gudiggaan cadaaladna lagu qeybiyo.
Waxaan filaaya dowladdena sharafta leh madaxdoda iney cadaladda taageersanyihiin waxaa jira dad baraha Bulshada la waregayo war xuma tashiil iyo aflagaado oo ay ugu gafayaan odayasha banadiriga waxaan aaminsanahay dadka nocaasa iney yihiin dadka wadanka carqalad ku haaya iyagoo fiirsanayo danahooda garka ah kana bayac mushtaraya kala fogeynta umadda Soomaaliyeed sida ninka lagu magacaabo axmed shashaxlow shashaxlow waa nin ugafay odayaasha asaga oo fiirsanaya danahiisa ugaarkaah marka dowladena shrafta leh ayaan waxaan ka codsaneena in ey dib u fiiriso arinta gudiga doorashada oo ay sameeyaan doorasho cadaalada oo reer banaadiri u dhan yihiin Mahadsanidiin