Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMaamulka Tigreega oo sheegay in ay hubaynayaan shacabka iyadoo xukumada Abiy shacabka...

Maamulka Tigreega oo sheegay in ay hubaynayaan shacabka iyadoo xukumada Abiy shacabka ugu baaqday in ay ka baxaan Caasimadda!

Ciidamada la dagaallamaya dowladda federaalka Itoobiya ee waqooyiga gobolka Tigray ayaa “gabi ahaanba baabi’iyay” qeybta 21-aad ee makaanikada ah, afhayeenka ciidamada Tigray, Getachew Reda, ayaa sidaas sheegay Talaadadii.

Reda waxa uu balanqaaday in ay “hubeyso qofkasta oo rayid ah si uu u difaaco magaalada Mekelle”, caasimada Tigreega ayaa maamula qiyaastii 500,000 oo qof.

Isniintii, Mareykanku wuxuu ku baaqay in la dhexdhexaadiyo dowladda federaalka ee Itoobiya iyo kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

“Mareykanku wuxuu ku baaqayaa dhexdhexaadin ka dhacda # Ethiopia” Golaha Amniga Qaranka ee dowlada ayaa ku baaqay ururka Midowga Afrika.

Dhanka kale Afahayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda Mekelle in ay isaga baxaan magaalada si ay ugu fududaato inay la dagallamaan ciidamada TPLF.

Ridwaan Xuseen wuxuu sheegay in wakhti uu gabaabsi yahay maadama lagu dhaw yahay xilligii loo qabtay madaxda TPLF inay isa soo dhiibaan kuwaas oo haatan gacanta ku haya dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla gobolka.

Dhanka kale, madaxweynaha gobolka Tigray Dr Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in shacabkiisa ay dorbidayaan inay dhintaan intii ay isa soo dhiibi lahaayeen.

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay in guulo ay ka gaartay dagaalka isla markaana ay kusii siqayaan caasimadda.

Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay inay iska ilaalineyso in lagu dul dagaallamo nus malyanka qofka ee ku nool caasimadda Tigray.

Iyadoo ay weli jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya xogaha rasmiga ah ee ku saabsan dagaalka socda, haddana labada dhinac uu dagaalka dhex marayo waxay warbaahinnadoodu ka baahiyaan dacaayado dagaalka salka ku haya.

In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments