Hoyga Laashin wuxuu caawa kugu martigelinayaa inaad kala qaybgasho kulan xus, xusuus iyo baroordiiq loogu samaynayo laashinkii iyo Boqorkii Gabley Shimbirta sidoo kalana ahaa Boqorkii caashaqa.
Kulanku wuxuu dhacayaa fiidkii marka ay ammintu bariga Afrika u tahay 20:30 pm.
Waxaa marti ku ah: Abwaan iyo qoraa Cabdiraxiim H Galayr, Laashin iyo qoraa Xasan Cabdulle Calasow, Bare iyo qoraa Xuseen M Cabdulle ‘Xuseen Wadaad’ ahna guddoomiyaha Laashin, barbaariye iyo hoobal Bashiir Cali Xuseen, aqoonyahan Cismaan Sabriye Cadde, halka uu xiriirindoono Ibraahin Nolosha.
Ka soo qaybgal wacan.
Maamulka Laashin.