Dowladda Faransiiska ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag dhan $306-Million, sida uu sheegay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Wasiirka ayaa yiri “Tani waa tilaabo kale oo Soomaalliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta go’aan qaadashada.”
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiskaa deyn cafinta ah, isaga oo la saxiixday safiirka dowladda France ee dalka Kenya Aline Ménager.
”Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan $306-Million (seddax boqol iyo lix milyan), heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020, guushaan taariikhiga ah ee aan maanta gaarnay waxaa ay marqaati u tahay dadaalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, waana ay naga go’antahay in aan sii wadno Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle.