Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedCiidamada DFS oo weeraray ilaalo uu heystay Gen. Xuud.

Ciidamada DFS oo weeraray ilaalo uu heystay Gen. Xuud.

Duleedka Magaalada Baladweyne waxaa lagu weeraray Ciidamo u heysto Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo todobaadkii lasoo dhaafay labo jeer baajiyay safar Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku tagi lahaa Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamo hubeysan oo la diyaariyay saacadihii lasoo dhaafay ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay sameysteen Ciidamada la safaran Xuud, waxaana dhexmaray iska hor imaad sababay in ay dib u gurtaan askarta la weeraray.

Xuud ayaa heysta ciidamo la saftay iyo maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay ku heyb yihiin, kuwaas oo ku taagay go’aankiisa uu isku hor istaagay wafdiga Guudlaawe  ee Magaalada Baladweyne.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kahor weearka in uu dhacay kulan ugu dambeyn lagu go’aamiyay in weerar lagu qaado Ilaalada uu heysto Gen. Xuud, si looga durjiyo (Sikiyo) Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Mustaqbal u sheegay in Odoyaasha dhaqanka Magalaada Baladweyne ay ku guuldareysteen in Abuukar Xaaji Warsame Xuud ay ku qanciyaan in uu joojiyo is hor istaagga Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Isku daygaas dhicisoobay ayaa sababay in ciidamo hubeysan isla markaana wata gaadiidka dagaalka loo abaabulo si ay u qabsadaan meelaha uu joogo Xuud oo diiday wada-xaajoodka lagu doonayay in lagu qanciyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments