Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedTurkiga oo cambaareyay qaraxyo lagu weeraray magaaladda caasimada ah ee Muqdisho

Turkiga oo cambaareyay qaraxyo lagu weeraray magaaladda caasimada ah ee Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa maanta oo Sabti ah cambaareeyay weeraro Ismiidaamin ah oo galaaftay nolosha ugu yaraan sideed qof oo Soomaaliya.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa dadka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay maqaaxi caan ah oo ku taal magaalada caasimada ah ee Muqdisho habeenkii jimcaha, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa xigay weerar ka dhacay degmada C / casiis subaxnimadii Sabtida oo lala eegtay maareeyaha Dekada magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarrada gilgilay caasimadda wadanka ee Muqdisho.

“Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo ehelada dhibbanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay,” ayay tiri wasaaradda Turkiga.

Xoogga Al Shabaab oo gacansaar la leh al-Qaacida – ayaa had iyo jeer qaraxyo ka fulisa caasimada iyo goboladda kale ee dalka, oo ay ku jiraan weeraro ay ku dhinteen dad ka badan 100 ruux.

Kumanaan qof ayaa ku dhintey dagaalladii u dhexeeyey kooxaha hubeysan iyo ciidamada dawladda Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Bishii Ogosto, 10 qof oo rayid ah iyo saakiil ka tirsan Dowladda ayaa lagu diley weerar toos ah iyo qaraxyo lagu qaaday hoteelka xeebta ku yaalla ee Hotel Elite.

Isla bishaas, dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa weeraray ciidanka amniga kadib markii ay suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan hub lagu soo qariyay adeega loo keeno maxaabiista.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu dilay weerar kale oo dhacay bishii Ogosto ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxay xero ciidan oo ku taal Muqdisho halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Al Shabaab ayaa sheegta intabadan masuuliyada weerarada, dowladuna waa ay cambaaraysaa mana jirto guulo la taaban karo oo xukumadihii dalka Soomaray iyo tan haatan talada haysa ay gaareen la dagaalanka Al Shabaab iyo xaqiijinta amaanka magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments