Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedWarar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay...

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxida Jalaato Devino oo ku taalla wadada isku xirta KM4 & Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 8-qof oo dhalinyaro ah ayaa ku dhimatay qaraxa, halka ay dhaawacmeen 10-ruux oo la geeyay Goobaha Caafimaadka si loo daweeyo, sida Mustaqbal ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta kula hadlay Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in khasaaraha maamulka uu hayo ay gaareyso dhimashada 7-ruux iyo dhaawaca labo kale oo dhammaan ah dhalinyaro ku fiidsaneysay Maqaaxida.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir

Agaasimaha Aamin Ambalaas Dr Cabdulqaadir Xaaji ayaa Warbaahinta u sheegay in gaadiidka gurmadka lagu qaaday dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray, waxa uu sheegay in xogta ay ka hayaan in ay tahay Dhimashada 7-qof & dhaawaca 10-kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, ujeedka weerarka waxa ay ku tilmaamtay in uu ahaa shaqsiyaad katirsan Dowladda Federaalka, Hay’adda Sirdoonka iyo mas’uuliyiin kale, dhimashadu waxa ay ku sheegtay 10-ruux & dhaawaca 15-kale.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeen kadib shacabka ka dalbaday in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab, qorshaha kaliya wax looga qaban karo qaraxyada ayuu ku sifeeyay in ay tahay iskaashi.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la beegsadeen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada si aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadinno” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Dubbe ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay joogteysay beegsiga goobaha ay isugu tagaan dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay in aysan meelo gaar u ah balse had iyo jeer khasaare ay u geysato dadka shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Beegsida Goobaha lagu cunteeyo ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waayihii dambe kordhay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac & burbur maaliyeed oo gaara goobaha la weeraro, inta badan waxaa dusha saarta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments