Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedCumar Filish oo Sheegay Inaan Sinaba loo Aqbaleenin Amnidaro

Cumar Filish oo Sheegay Inaan Sinaba loo Aqbaleenin Amnidaro

Warqad kasoo baxday maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu faah-faahiyay Sugidda ammaanka Caasimadda, Eedeyn uga timid Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21 & doorashada dalka.

Xaanshida uu soosaaray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu muujiyay in eedeyntaas ay tahay waxba kama jiraan, isla markaana ay ka tarjumeyso Dano gaar ah oo Shisheeye sida hadalka loo dhigay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan cidna uga heybeesaneen sugidda amniga inta lagu howlan yahay xaaladda kala guurka (Geedi socodka) oo dalka uu wajahayo Doorashada 20/21.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu aad uga xun yahay qoraalka lagu faafiyay Baraha Bulshada ayna soo saareen qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha oo lagu qoray eed iyo cambaareyn aan sal iyo raad laheyn oo loo jeediyay madaxda qaranka ee dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir loona tarjumay si qaldan, iyada oo musharixiinta ka leeyihiin qoraalkooda dano guracan oo u adeegaya shisheeye” Sidaasi waxaa lagu yiri Warqadda uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir.

Image may contain: text

Cumar Finish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhammaadkii todoobaadkii tagay waxa uu eedeyn u jeediyay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21 oo xiligaas war kasoo saaray Shir 6-Cishe u socday.

Haddaba, Maxaa kordhiyay eedeynta maamulka Gobolka Banaadir ee Musharixiinta Madaxweynaha 20/21?

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments