Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedTrump oo Biden uga aarsanaya Ciidan ka saarista Soomaaliya, Afgaanistaan & Ciraaq!

Trump oo Biden uga aarsanaya Ciidan ka saarista Soomaaliya, Afgaanistaan & Ciraaq!

Wargeyska Le Figaro ee dalka Faransiiska kasoo baxaya ayaa warbixin uu ka diyaariyay qorshaha Trump ee ka dhanka ah Biden kahor inta uusan la wareegin Madaxweynaha 20-ka Janaayo 2021, gaar ahaan Ciidamada uu ka saarayo Dalalka Soomaaliya, Ciraaq & Afgaanistaan.

Trump oo lagu garaacay doorashada 2020 ee Mareykanka ka dhacday, inkasta oo marar kala duwan uu diiday in uu aqbalo natiijada muujineysa in waayihiisa Madaxtinimo ay soo idlaatay, balse dhowaan ayuu muujiyay is dhiibitaan Siyaasadeed kadib markii uu sheegay in uu la shaqeynaya Guddiga Caleema-saarka & xil wareejinta.

53-Cishe ayaa ka dhiman waqtiga uu banneynaya Xafiiska, isla markaana uu shaqada la wareegayo Madaxweynaha Dooran ee Mareykanka Joe Biden oo ah 20-ka Janaayo 2021 sida uu dhigayo dastuurka dalkaas.

Kacaanka Donald Trump ayaa ah in uu qorshe tijaabo u ah xeeladda siyaasadda uu marinaya Joe Biden, maadaama uu damacsan yahay in maalmo kahor inta uusan xafiiska qaban in uu ciidamada Ameerikaanka ka saaro Soomaaliya.

Trump oo la fahamsan yahay in uu ka careysan yahay qorshaha Biden ee Niyukleerka Iiraan, fur-furista xargaha siyaasadeed uu dhuujiyay 4-sana uu xafiiska hayay ayaa u diyaariyay Biden Hadiyad Sumeysan si maamulkiisa cusub ula kowsado jaha-wareer siyaasadeed.

Warbixinnada Warbaahinta ay ka heleyso Saraakiisha Ciidanka ayaa muujinaya suuragalnimada in Trump xitaa uu weeraro meelaha lagu tuhmayo Niyukleerka Iiraan, waana qayb kale oo kamid ah dabinnada Trump.

Marka laga soo tago go’aamada qorsheysan, waxaa muuqda in Maamulka waqtigisu sii dhammaanaya ee Trump uu ku fakirayo in Soomaaliya laga saaro askar dhan 700-Askari oo ku sugan Soomaaliya.

Inkasta oo ay ku doodayaan qurabada Mareykanka in aan laga gungaarin qorshaha loo geeyay Askartaas Soomaaliya oo ah in ay kahor tagaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo lagu qiyaaso 5-kun ilaa 10-kun.

Wargeyska The New York Times ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada sarkaal katirsan Hay’adda Sirdoonka Mareykanka oo todobaadkii hore lagu dilay Soomaaliya ay dadejin karto isla markaana xoojin karto go’aanka Trump

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments