Madaxweynaha DG Puntland ayaa xalay soosaaray amar dhaqangalaya isla maanta oo ah 1da Deseembar 2020, kaas oo ku saabsan in Canshuurta maamulkaas lagu qaado Doollar, halka horay Ganacsatada ay u bixin jireen Shillin Soomaali, maadama Jah-wareer uu ka dhashay sarifka & isticmaalka lacagta.
Ganacsatada waaweyn ayaa diidan qaadashada kunka shillin Soomaaliga, halka kuwa yar yar kasoo ay kasoo horjeedaan lacagta Doollar, sabab la xiriirta welwel ay ku muujinayaan isbadalka sarifka aan saldhigan.
Todobaadyo kahor DG Puntland waxaa halka Doollar lagu sarifayay 34-kun Sh.so, balse dhowr cishe ee lasoo dhaafay waxa uu gaaray 50-Kun oo Shillin Soomaali, waana tan keentay in welwel uu lasoo derso dadka dhaqaalaha yar.
Deni ayaa go’aamiyay xeelad cusub oo ka dhalatay kulan uu la qaatay Guddi uu magacaabay ku xigeenkiisa Axmed Karaash muddada uu safarka ku maqnaa si warbixin iyo xog dhameystiran uu Guddigaas uga soo diyaariyo sababta keentay Dhibaatooyinka dhaqaale.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si degdeg ah u amray hay’adaha canshuurta qaada in ay joojiyaan Shillin Soomaaliga ay ku qaadaan canshuurta una badalaan lacagta doollarka oo amar madaxweyne go’aankaas kusoo baxay.
Deni ma uga daray Muranka ka taagan lacagta mise wuu u daneeyay?
Xeer dheerayasha dhaqaalaha oo dhowr dhinac ka fiiriyay go’aanka Madaxweyne Deni & muranka hareeyay lacagta ayaa aaminsan in hoggaamiyaha DG Puntland uu ka dhex eegtay danaha maamulkiisa.
Sidoo kale, waxa ay ku doodeen in xiisad cusub oo dhanka dhaqaalaha ah uu abuuri karo go’aanka cusub ee maanta dhaqangalaya, maadaama Doollarka uu u badanayo gacanta maamulka.
Culeyska kale, waa in uusan jirin Bangi kala wareejiya lacagta shillin Soomaaliga ah ee ku maqan gacanta shacabka & Ganacsatada yar yar, taasi waxa ay beertay welwel horleh oo ku kalsoonaanta kunka Shillin oo ka haray lacagihii dalka.