Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedDhaqangelinta Jadwalka Doorashada 20/21 oo markale dib u dhac ku yimid, waa...

Dhaqangelinta Jadwalka Doorashada 20/21 oo markale dib u dhac ku yimid, waa maxay Sababta?

Jadwalka Doorashada 20/21 oo Madaxda DFS & DG ay ku heshiiyeen 1-da Oktoobar 2020 uma hirgelin sida la rabay marka la eego sida ay u kala horeeyaan Shaqooyinka oo waqti ku filan la siiyay balse caqabado ay hareeyeen.

Maanta oo ah 1-da Deseembar 2020 waa 10-Cishe ee loo qorsheeyay in lagu soo doorto Kuraasta Golaha Sare BFS 2020/24, iskaba dhaafee in la qabto howshaas waxaana la dhameystirin guddigii qaban lahaa doorashada.

Xarumaha Dowlad Goboleedyada kama muuqato saan-saan 10-ka Cishe lagu qabanayo doorashada Kuraasta Senatada, taasi waxa ay ka dhigan tahay dib u dhac markale soo wajahay jadwalka Doorashada oo ay ku heshiiyeen Madaxda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.

Hirgelinta Jadwalka Doorashada oo daah-fur u ah Senatada Aqalka sare BFS waa bilawga dhaqangalka saan-saanta heshiis siyaasadeedka Madaxda labada dhinac si loo saldhigo Doorashada 20/21 loogan fogaado shakiga ka dhashay rabitaanka waqti dheereysiga.

Image may contain: text

Maxaa sabab u ah dib u dhaca Doorashada Aqalka Sare & dhaqangal la’aanta Jadwalka?

Arrimo dhowr ah oo is biirsaday ayaa sabab u ah dhaqangal la’aanta ama fulin la’aanta Jadwalka Doorashada oo hage u ah Cawo-Sodka Xaaladda Geedi socodka (Kala guurka) oo ah in la dhameystiro waqti xileedka Dowladda, isla markaana la guda galo muddo xileed 4-sano oo kale.

1-Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka & DG Jubbaland kaas oo salka ku haya muranka ka dhashay Askarta DFS ay geysay Gobolka Gedo, Axmed Madoobe oo kamid ah saxiixayaasha heshiiska iyo Jadwalka Doorashada ayaa markii uu dib ugu laabtay Kismaayo dalbaday in askarta laga qaado Gobolka Gedo.

2-Muranka Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ay kasoo gudbiyeen Guddiga Doorashada ee Dowlad Goboleedyad soo gudbiyay, kadib markii ay sheegeen in ay ka magac garteen xubno katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.

3-Xukuumadda Soomaaliya oo howshaan ugu weyn mas’uuliyaddeeda dusha ka saaran tahay ayaa indha ka daawatay, marka laga reebo hadal aan ficil ku darsaneen oo uu dhowr Kulamo ka sheegay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo luuqad jilcan ku dalbaday soo dhameystirka Guddiga Doorashada.

4-Beesha Caalamka qudheeda oo indhaha la raacday hadallada is duraya ee Dowladda Federaalka & musharixiinta, midba mar ayay la kulmeen wakiilada Beesha Caalamka, warsaxaafadeedkoodu waxa ay kusoo saareen in muhiim ay tahay hirgelinta doorasho waqtigeeda ku dhacda.

5-Muranka cidda maamuleysa Doorashada Xildhibaannada labada Gole BFS ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), waxaana isku haya Guddoomiyaha Aqalka sare oo isu heysta Odayga looga dambeeyo go’aanka Guddigaas & XFS gaar ahaan Mahdi Maxamed Guuleed oo isu heysta in uu yahay Ninka ay ka go’do tallada Guddigaas.

Haddaba, Yaa dusha saaranaya mas’uuliyadda dib udhaca doorashada & dhaqangelin la’aanta Jadwalka loo dejiyay?

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments