Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedTaiwan & Somaliland oo kala saxiixday heshiis ay iskaga kaashanayaan caafimaadka, tikniyoolajiyadda...

Taiwan & Somaliland oo kala saxiixday heshiis ay iskaga kaashanayaan caafimaadka, tikniyoolajiyadda iyo beeraha!

Dawladda Taiwan ayaa hawlgal farsamo ka bilawday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Talaadadii iyadoo diirada lagu saaray iskaashiga labada dhinac ee caafimaadka, tikniyoolajiyadda iyo beeraha, sida uu sheegay xafiiska wakiilka ugu sarreeya Taiwan ee Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska wakiilka Taiwan ee Somaliland, xaflad lagu furayay hawshan ayaa lagu qabtay xarunta ay ku leedahay caasimada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay wakiilka ugu sareeya Taiwan ee Somaliland Allen Lou iyo sii hayaha wasiirka arimaha dibada iyo caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

“Intii ay socotay xafladda, wufuudda labada dhinac ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis fulin ah oo ku saabsan Mashruuca Horumarinta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada dhinacba waxa ay sidoo kale kala saxiixdaan hormarinta ICT-ga iyo mashruuca Beeraha kahor dhamaadka sanadka.Taiwan technical mission opens in Somaliland - Focus Taiwan

Lou oo ka hadlay intii ay xafladu socotay ayaa sheegtay in Taiwan ay sii wadi doonto in ay la wadaagto khibradeeda si ay uga caawiso Somaliland in ay horumariso daryeelkeeda caafimaad iyo awooda caafimaad isla markaana ay ka faa’iideystaan muwaadiniinta reer Somaliland.

Furitaanka mashruucaan waxaa suurta gashay kadib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan Joseph Wu iyo dhigiisa Somaliland Yaasiin Xiir Fataroon ay kala saxiixdeen Heshiis Farsamo ee Iskaashi Qaab dhismeedka labada maamul bishii Agoosto 17, markaas oo Taiwan ay ka furatay xafiiska wakiilkeeda magaaladda Hargaysa.Taiwan and Somaliland establish diplomatic ties, bucking pressure from  China | South China Morning Post

Somaliland waxa ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991-kii ka dib dagaal sokeeye oo ka dhacay Soomaaliya. Waxa ay xafiisyo ku leedahay illaa toban dal, sida lagu sheegay bogga  wasaaradda arrimaha dibedda, laakiin looma aqoonsana in ay tahay dal madax-bannaan.

Bishii Febraayo, Taiwan iyo Somaliland waxa ay kala saxiixdeen heshiis lagu dhisayo xafiisyo wakiillo is-dhaafsi ah. Taipei waxa ay xafiiskeeda ka furatay Somaliland Aug 17, halka Somaliland ay ka furatay xafiiskeeda Taipei 9-kii Sebtember.Taiwan and Somaliland Sign a Major Healthcare Cooperation Agreement |  Somaliland Chronicle

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments