Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Muqdisho yimid 15-kii November 2020, kadib markii uu kordhay muranka ka dhashay Guddiga Doorashada 20/21 ee heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, kadib markii Musharixiinta Madaxweynaha 2021 ay sheegeen in lagu daray Shaqsiyaad katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.
Sharci ahaan waxa ay sheegeen in xubnahaas ay baalmarsan yihiin Dastuurka Dalka & nidaamka lagu heshiiyay in lagu wajaho Doorashada marka uu dhamaadayo waqti xileedka Dowladda, si loo qabto Doorasho 4-sano oo kale.
Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo Shinsanaya Xiriirka uu la wadaago Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada kale, Musharixiinta & waaya-aragnimada uu ka dhaxlay Shirarkii Dhuusamareeb 1,2 & 3 ayaa dhexda u xirtay ka gungaarista isu soo dahweynta dhinacyadaan siyaasadda ku kala qaybsamay.

Shirkii Dhuusamareeb (1) waxaa ka dhashay in la ballamiyo Kulan kale oo loogu magac daray Dhuusamareeb (2) si loo martiqaado Madaxda DFS, si looga xaajoodo Doorashada 20/21 oo lagu muransanaa qof iyo cod mise mid dadban.

Qoor-Qoor oo ku guuldareystay dhammeystirka Shirkii Dhuusamareeb saddex ayaa qayb ka noqday warmurtiyeed laga soosaaray shirkaas markii uu soo idlaaday, waxaana ka qaybgalay Madaxweynaha DFS, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ka maqnaa Madaxda Puntland & Jubbaland, halka Baarlamaanka uu kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Marka laga tago Madaxda DFS uu la kulmay, waxa uu wajahay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021, waxyaabaha uu kala hadlay waxaa kamid ah: Habka loo dhammeyn karo muranka ka dhashay Guddiga Doorashada, wax ka barashada Jalaafooyinkii Siyaasadeed ee lagu kufay & xubnaha Xildoonka ah ay u wakiishaan sidii looga xaajoon lahaa khilaafka.

Haddaba Maxaa Madaxweyne Qoor-Qoor u hirgeliyay 19-Cishe kadib?
Sida aan kasoo xiganay mas’uuliyiin kala duwan, marka laga tago qaabilaadda madaxda kala duwan, ilaa haatan ma hayo raad muuqda oo ku ridi kara dhabbaha isu keenidda dhinacyada ku kala fogaaday danaha Siyaasadeed.
Sidoo kale, sooma bandhigin waxyaabaha ugu adag ee ku noqday caqabad uu ka gudbi waayay, kuwa u fududaaday & haddii uu u baahan yahay talooyin joogta ah oo u sahli kara ka gudubka culeyska uu isa-saaray ee ah dhexdaxaadinta Madaxda DFS & Musharixiinta Madaxweynaha 2021.
Kaliya waxaa u hirgalay in uu la kulmo Siyaasiyiinta Musharixiinta ah oo labo qaab u qaabilay, qaybta koowaad waxa uu ula fadhiistay deegaan doorasho ahaan, maadaama ay kasoo jeedaan Galmudug, halka dhanka labaad uu ula kulmay qaab Saaxiibtinimo.
Haddaba, Hadallada is duridda ah ee Madaxda DFS & Musharixiinta ay hawada isu marinayaan, sabab malooga dhigi karaa, caqabadaha hortaagan Madaxweyne Qoor-Qoor si uu meel isugu keeno dhinacyadaan ku kala fogaaday hab maamulka Doorashada 20/21?