Monday, June 27, 2022
HomeUncategorisedGolaha Wasiirada XFS oo fadhi ka leh Caqabadaha hortaagan Doorashada 20/21.

Golaha Wasiirada XFS oo fadhi ka leh Caqabadaha hortaagan Doorashada 20/21.

Golaha Wasiirada XFS ayaa maanta fadhi gaar ah ka leh Xaaladda dalka gaar ahaan Habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan Doorashada Soomaaliya 20/21 sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Bishii September 2020 ballanqaaday in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo & October oo ay Xoojisay Xukuumadda fulinta jadwalka Doorashada 20/21 ayaa iska xog wareysanaya caqabadda hortaagan.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhageynsaya Warbixinta Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah kulamada uu la qaatay Guddiga Doorashada 20/21 oo muran ka yimid xubnaha qaar, fadhiyada uu la yeeshay wakiilada kala duwan ee Beesha Caalamka & dhaq-dhaqaaqa uu sameeyay.

Wasiirada ayaa dhankooda la dhageysanayaa Talooyinka looga gudbi karo caqabadaha si dalka ay uga dhacdo doorashada lagu ballansan yahay ee loo dejiyay jadwal la raacayo oo shaqo waliba waqtiga la qabanayo ku xusan tahay.

Jadwalka Doorashada ee Madaxda DFS & DG ee soo baxay 1-da October 2020 ma dhaqangelin, marka la eego sida howsha loo qabanayo, 5-Cishe oo keliya ayaa ka dhiman waqtiga ugu dambeeyo Doorashada Senatarada Aqalka sare BFS.

Iskaba dhaafee in la gunta loo galo Doorashada, waxaa wali qabyo ah Guddiga qaban lahaa shaqadaas, Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shuruud ka dhigay dhammeystirka Guddigaas in Gobolka Gedo laga qaado Ciidanka DFS ay geysay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments