Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay is tusisay soo afjaridda howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda oo waqti dheer socda.
Muddo 10-sano ah ayuu sheegay in la qiimeynayay howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaliya & isbadalka awoodda weerarada ay sameynayaan, balse hoos udhac aad u weyn oo sababay in xitaa labadii sano ee lasoo dhaafay aan la diiwaangelin wax weerar ah.
Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu khudbad toos ah ula wadaagay Golaha ammaanka fariinta Xukuumadda ee ah qorshaha la dagaalanka burcadda.
“Saddexdii sano ee lasoo dhaafay ma dhicin wax weerar ah, waxa aan is tusinay in howlgalka si kale loo dhigo oo wax laga qabto maraakiibta qashinka ku shubta biyaha Soomaaliya, dabcan marka la is barbardhigo meeshii laga soo bilaabay 2008-dii & maanta way kala duwan tahay” Sidaasi waxaa yiri Danjire Abuukar Baalle.
Waa uu sii hadlay Danjire Abuukar Baalle waxa uu yiri “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay wax ka qabato labo arrin oo kala ah, joojinta kalluumeysiga sharci darrada ah & qashinka (Wasaqda) lagu shubo Xeebaha, si Dowladda dhexe ay awood ugu yeelato kahortagga dambiyada”.
Xeebaha Soomaaliya waxaa dhowr & toban sano ku sugan Maraakiib, Diyaarado & Ciidamo ka kala socda dalal kala duwan, ujeedkooda joogitaankooda ayaa ah la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.
Maraakiibta & Doomaha howlgalka u jooga Biyaha Soomaaliya ayaa iyaga qudhooda dhowr jeer laga diiwaangeliyay kalluumeysi sharci darro ah & garabsiinta Doomo Bilaa sharci ku guranaya khayraatka, inkasta oo aysan jirin cid loo qabsaday ama loo ciqaabay.
Kuuriyada Koofureed oo sanad u kordhisay la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.
Japan oo sanad u kordhisay Ciidameeda jooga Xeebaha Soomaaliya.
Hindiya oo ku biirtay howlgalka ladagaalanka Burcad badeedka Soomaaliya.