
Jubbaland:-Waxaan uga digaynaa Madaxda Dowladda in ay iska indhatiraan baaqyada & digniinaha Saamilayda Siyaasadda!
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu caddeeyay in heshiiskii doorashada ay aheyd in doorashada lagu qabto 11 goobood oo kala ah min labo goobood dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Jubbaland ayaa dalbatay in gacanteeda lagu soo celiyo Maamulka, garsoorka, amniga gudaha Gobolka Gedo, taasoo ciidamo u abaabulan qaab jabhadeed ka amar qaata Saraakiil ka tirsan Nabadsugida ay la wareegeen muddo 10 bilood laga joogo.
Sidoo kale Jubbaland ayaa caddeysay in aanay doorasho ku qaban karin Gobolka Gedo oo ay ku tilmaameen inay tahay goob aan sharci iyo kala dambeyn ka jirin ayna maamulkeeda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata shaqsiyaad.