Ra’iisul Wasaarah XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Barqonimadii maanta furay Shirka Iskaashiga Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka oo miiska lasoo dhigay qodobo dhowr ah oo Amniga & Doorashada ugu weyn yihiin.
Waxaa ka qaybgalaya Wakiilo kala duwan sida Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Madaxda Dowlad Goboleedyada & mas’uuliyiin kala duwan oo lagu martigeliyay.
Swan ayaa ku dheeraaday hamiga doorashada Soomaaliya iyo rajo beelkii ku dhacay Aftida dadweyne 2020 oo ugu dambeyn dib loogu laabtay mid dadban oo lagu soo dhisay Dowladda federaalka 2016/17.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Todobaadka uu safar ku tagayo Garoowe, Gaalkacyo & Dhuusamareeb oo kala ah: Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, balse marka uu kasoo laabto safarkaas Muqdisho ay ku kulmayaan Madaxda heer federaal & heer Dowlad Goboleed sida uu hadalka u dhigay.
“Bilawga Todobaadka soosocda waxa aan safar ku tagayaa Garoowe oo Puntland, Gaalkacyo & Dhuusamareeb oo ah Galmudug, marka aan kasoo laabto waxaa ii qorsheysan in aan kulan Muqdisho isugu keeno Madaxda Dowlad Goboleeedyada sida ugu dhaqsiyaha badan” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dul istaagay Doorashada, muranka Guddiga Doorashada Somaliland, Ciidamada DFS ee jooga Gedo, Xaraashka Shidaalka & qabashada kulan kale oo looga arrinsanayo Xaaladda Dalka.
Deni ayaa soo jeediyay in Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland) loo madax banneeyo, isla markaana looga dambeeyo xubnaha Siyaasiyiinta ee ku jira Dowladda Federaalka, halka Ciidanka Gedo ku sugan uu Dowladda ugu baaqay in ay kasoo qaado.
“Xubnaha Guddiga Doorashada Somaliland ee cabashada ka taagan waa in looga dambeeyaa wakiiladeeda Siyaasadeed oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliya waa ay in Degmada Garbahaarey kasoo saartaa ciidanka Militariga ee halkaas jooga, si dib loogu celiyo maamulka Jubbaland si loogu qabto Doorashada” Sidaasi waxaa yiri Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa madasha ka sheegay in uu diyaar u yahay xalinta tabashada laga qabo guddiga maamulaya Doorashada 20/21, arrintaasina uu ku howlan yahay.
“Cabashooyin ka yimid tallaabta doorashada way jirtaan, waxa aan ku howlanahay sidii aan ugu dhaqaaqi lahaa xal ka gaarista, Galmudug waxa ay qabtaa in si xasiloon oo wanaagsan lagu turxaan bixiyo, markale waxa aan diyaar u nahay in heshiis laga gaaro tabashooyinka jira, dhinacyada dhan waxa aan leeyahay waa in laga fogaadaa wax waliba oo caqabad ku keeni kara heshiiska ama Doorashada oo aan wadajir u shaqeyno” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gunaanadaya Shirkaan oo ugu dambeyn la sugayo warmuriyeed ku qotoma warbixinnada Soomaalida & saaxiibada caalamka aragtiyada & macluumaadka ay is dhaafsadeen.