Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedMaxkamadda Sare Puntland oo mudeysay dhageysiga kiiska Xildhibaanadii Xasaanada laga qaaday!

Maxkamadda Sare Puntland oo mudeysay dhageysiga kiiska Xildhibaanadii Xasaanada laga qaaday!

Maxkamadda Sare ee Puntland, ayaa si rasmiya u muddaysay dhegaysiga dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad-goboleedka Puntland.

Maxkamadda sare, waxa ay dhegaysiga kiiskaas u muddaysay 10-bishan December oo ku beegan Khamiista todobaadkan, kadib markii xildhibaannadii xilka xayuubinta lagu sameeyay ay soo gudbiyeen dacwad la xiriirta kiiskooda.

Dacwadda kiiskan, waxa la dhegaysan doona 9:00am subaxnimo ee maalinta Khamiista ah, sida ay shaacisay Maxkamaddu.

Xildhibaannada xilka laga xayuubiyay waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments