Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa lasoo dhigay Xadka dalkaas uu la wadaago Kenya, halka Xukuumadda Nairobi ay joojisay dhaq-dhaqaaqa Magaalooyinka xiga Soohdinta Dowladda Federalka Itoobiya ay la wadaagto.
Sababtu waa safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed maanta oo Arbaco ah uu ku tagay Kenya si mashruuc ay kawada faaiideysanayaan labada dal ay u furaan isaga & Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Cabbir ahaan dhulka mashruucaan ku kacay ayaa ah 861 KM oo isku xiraya Marsabit, Turkana, Wajeer & Mandheera, waxaana la xadiday dhaq-dhaqaaqa dhammaan Magaalooyinka kala duwan ee mashruucu saameynayo.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Muigai Kenyatta & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa kawada hadlaya Xaaladda Siyaasadeed ee labada dal, Xoojinta xiriirka & Isbadalka ka socda Geeska Afrika.
Waa safarkii ugu horeeyay uu Abiy uga baxo Itoobiya tan iyo 4-tii November 2020 oo maamulkiisu faraha la galay dagaal ka dhan ah Ismaamulka Tigray ee ku xooggan Waqooyiga Dalkaas.
Kenya & Itoobiya waxaa ka dhaxeeya Xiriir qabow, Uhuru kuma jiro Isbaheysiga gaar u ah Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Isaias Afwerki Madaxweynaha Eretareeya & Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweyaha JFS.