Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedsoomaaliya oo ka mid noqotay Dalalka ugu halista badan in loo...

soomaaliya oo ka mid noqotay Dalalka ugu halista badan in loo safro

International SOS oo dabagasha Amniga & Caafimaadka dalalka kala duwan ee Caalamka ayaa soosaartay Warbixinteeda sanadlaha oo ay kusoo bandhigto halista ka imaan karta u safarka waddamada qaar.

Daraasad cusub oo ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in sanadka 19-ka Cishe ka dhimman curashadiisa ee 2021 dalalka qaar in aan loo safri Karin sababo Amni & Khatarta uu la kulmi karo qofkii u socdaala.

Si gaar, Warbixinta ayaa lagu dul istaagay in waqtiga laga soo laabto Fasaxa dhammaadka sanadka ay suuragal tahay in qoysaska qaar in ay u safraan dalalka kala duwan si ay dalxiis ugu sameeyaan xubnaha reerka.

International SOS ayaa sanadkaan kordhisay dalalka aan loo safri Karin sabab la xiriirta faafitaanka Xannuunka Covid-19 & saameynta taban uu ku yeeshay dalalka safka hore kasoo galay liiska waddamada isku tiriyo in ay sareyso aqoontooda, caafimaadkooda & dhaqaalahooda.

Dalalka qaar waxa ay la dhibaatoonayaan Xasaradda ka dhalatay is qab-qabsiga siyaasadeed, tan Bulsho & Ganacsiga oo aan si wanaagsan u shaqeyn laga soo bilaabo Maarso 2020 oo faafitaanka Covid-19 isaga kala gudbay Qaaradaha adduunka.

Liibiya, Suuriya, Ciraaq & Jamhuuriyadda Afrikada dhexe waa meelaha ugu badan ee la saaray Diilinta Cas ee muujineysa in aysan sugneen Xaaladdooda, waana tan keentay in looga digo dadka in ay u safraan 2021.

Bariga Dhexe & Afrika waa meelaha ugu badan ee xasilooneen, waa joogto in dadka lagu wargeliyo in aysan u safreen, maadaama dhibaatooyin kala duwan ay la kulmi karaan in ay ku jigaan socdaalkooda.

Dalalka Xasilooni darrada ka jirta ee aadka looga digay dadka waxaa kamid ah: Afgaanistaan, Liibiya, Ciraaq, Suuriya, Maali, Koofurta Suudaan & Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira dalal kale muuqaalka dhanka Caafimaadka aan wanaagsaneen sababo ka dhashay: Isku dhaca Siyaasadda, Xasilooni darrada, is qab-qabsiga Bulshada dambiyada kala duwan.

Meelaha ugu xun ee Caafimaadka waxaa kamid ah: Liibiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Venezuela, Suuriya, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Yemen. yria, Iraq, Afghanistan, and Yemen, waxaana si dhab ah u saameeyay xayiraadda cudurka faafa ee Covid-19.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments