Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedAl-Shabaab oo soo bandhigtay Magacyada & muuqaalka raggii weeraray Dusit D2.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Magacyada & muuqaalka raggii weeraray Dusit D2.

Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal laga duubay Raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday Dusit D2 Magaalada Nairobe Caasimadda Dalka Kenya oo dhacay 15-kii Janaayo sanadkii 2019-kii oo sababay dhimasho, Dhaawac & Khasaare maaliyadeed.

Weerarkaas oo socday 15-kii ilaa 16-kii Janaayo 2019-kii ayay Dowladda Kenya sheegtay in uu ka dhashay khasaare dhimasho oo dhan 21-ruux oo dhismaha la weeraray joogtay & 5-ta qof ee fulisay weerarka.

Dhaawaca waxaa Dowladda Kenya u diiwaangashan 28-ruux oo Kenyan iyo ajaanib isugu jirto, inkasta oo aysan kala sheegin dalalka ay kasoo kala jeedaan, balse goobta ayaa ah meel ay u badnaayeen Ajaanibta.

Magacyada 5-ta ruux ee weerarka Al-Shabaab ee dhismaha Dusit D2 u fulisay ayaa kala ah: Cismaan Axmed Xasan, Cali Saalim, Cabdiqani Carab Yuusuf, Maxamed Aadan Nuur & Maahir Khaalid.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka Shantaan ruux uu jawaab u ahaa hadalkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday Magaalada Qudus.

kaamirooyinka sida qarsoodiga ah wax u duuba (CC Camera) ayaa qabtay muuqaallada qaar kamid ah ragga weeraray Dusit D2 ee Magaalada Nairobi, Dhismaha waxaa ku dhex yaalla hoteel, Goobo laga cunteeyo, Safaarado & meelo ay ku kulmaan shaqsiyaad kala duwan sida ka muuqata muuqaalka laga duubay dadka ku dhintay.

Kenya oo sheegtay in la soo gabagabeeyay howlgalkii Hotel Dusit ee Magaalada Nairobi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments